4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 27, 2020
Hay'adda Culimada Soomaaliyeed'' hadalka madaxweynaha Faransiiska waa duulaan ka dhan ah diinta Islaamka

 

Talaado, October, 27, 2020 (HOL) - Hay'adda Culimada Soomaaliyeed ayaa siweyn uga hortimid hadalkii dhanka ahaa Nabbi Maxamed NNKH, waxaana ay hay'addu ku tilmaamtay hadalkaasi in uu ahaa duulaan qaawan oo lagu soo qaaday Diinta Islaamka.

"Culimada Soomaaliyeed iyagoo gudanaya waajibaadka ka saaran ilaalinta diinta slaamka iyo danaha Muslimiinta, waxay dhaleecenayaan hadalka iyo mowqifka daxweynaha Faransiiska," ayuu yiri Sheekh Bashiir Axmed Salaad oo ah guddoomiyaha ha'yadda culimada Soomaaliya oo akhrinayay bayaanka ka soo baxay shirka.

Sheekh Cabduqaadir Sheekh Maxamed Abuukar (Soomow) oo ka mid ah Culimada Soomaaliya ayaa dhankiisa sheegay in Macron "uu dhaawac u geystay diinta Islaamka isla markaana dagaalka toos ah ku qaadayo Muslimiinta".

"Wuxuu go'aansaday in dagaal toos ah ku qaado diinta Islaamka iyo dadkeeda, Nebiga NNKH in sharaftiisa wax laga sheego waa duullaan cad oo lagu qaaday diinta Islaamka, waa duullaan lagu qaaday dhammaan Islaamka".

Balse Sheekh Cali Wajiis oo ka mid ah culimada Soomaaliyeed ayaa dhankiisa sheegay in "dacaayadaha cunsurinimada iyo Islaam naceybka ah ay adeegsadaan qaar ka mid ah siyaasiyiinta reer galbeedka, si ay u xoojiyaan danahooda siyaasadeed."

Hadalka madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa carro weyn ku abuuray dadyowga dunida Muslimka oo siyaabo kala duwan uga fal celiyay, waxaana arintan ay siweyn u qabsatay barraha bulshada. 

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]