4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 27, 2020
Wasiirka cusub ee Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo maanta xilka la wareegay

Talaado, October, 27, 2020 (HOL)- Wasiirka cusub ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya , Mudane Duraan Axmed Faarax ayaa maanta xilka kala wareegay wasiirkii hore ee Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Sadiq Xirsi Warfa.

Musaanadda xil-wareejinta oo ka dhacday xarunta Wasaaradda, waxaa goobjoog u ahaa Ra'iisul wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mahdi Maxamed Guuleed,iyadoo sidoo kale ay ka qeybgaleen wasiirro,wasiir ku-xigeenka cusub ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Sahro Xaaji Xuseen iyo Wasiiru Dowlaha cusub ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada , Cabdi Axmed Qasim, Xildhibaanno,howlwadeennada iyo maamulka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada.

"Maanta, waxaan halkan soo galay anigoo aad ugu faraxsan goobta iyo dhismaha quruxda badan ee aan xilkeeda wareejiyo, anigoo maalinkii aan halkan xilka kula wareegayay ay ahayd meel burbursan oo nabad-diidku dhibaato wayn ka gaysteen. Waxay ii tahay sharaf inaan qayb ka ahaado taariikhda Wasaaraddan" ayuu yiri Wasiirkii hore ee Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo inta ku daray "Muddadii aan hoggaaminayay Wasaaraddan waxaan ku dadaalay inaan dhiso hay’ad gudan karta waajibaadkeeda qaranku u idmaday. "

Wasiirka cusub ,Duraan Axmed Faarax ayaa sheegay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada inay laf-dhabar u tahay horumarinta bulshada iyo dowladnimada, wuxuuna uga mahadceliyay wasiirkii hore dadaalladii uu ku bixiyay horumarinta Wasaaradda.

"Waxaan dadaal ku bixinayna sidii horey aan ugu sii wadi lahayn wasaaraddan muhiimka u ah bulshada Soomaaliyeed , waqtiga aan heysanana waxaan ku bixinayna dardargalinta howlaha wasaaradda." ayuu yiri Wasiirka cusub ee Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Duuraan Farax oo sidoo kale u mahadceliyay Ra'iisul wasaaraha xukuumadda Federaalka iyo madaxweynaha.

Gabagabadii, Ra'iisul wasaare kuxigeenka Xukuumadda Faderaalka Soomaaliya, Mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa ku ammaanay Wasiirka xilka wareejiyey shaqooyinka adag ee uu dalka u soo qabtey, isagoona ka rajeeyey wasiirka   xilka la wareegay inuu si daacadnimo iyo wadaniyad leh ugu adeego shacabka Soomaaliyeed.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]