4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 27, 2020
Puntland oo dil toogasho iyo xabsi dheer ku riday xubno katirsan Daacish iyo Al-shabaab
 

Talaado, October, 27, 2020 (HOL) - Maxkamad Milateri oo ku taal Puntland ayaa laba nin ku xukuntay dil toogasho ah halka mid kalena ku xukuntay 20 sano oo xabsi ah, kadib markii lagu helay inay ka tirsan yihiin Daacish iyo al-Shabaab.

Saddexda nin ayay ciidamada Puntland u soo qabteen falal isugu jira dil iyo falal argagixiso, waxaana maxkamadeyntooda ka dhacday magaalada Boosaaso ee gobolka Bari.

Guddoomiyaha maxkamadda ciidamada qalabka sida ee gobolka Bari Maxamed Ibraahim ayaa sheegay, in Aadan Xasan iyo Abshir Maxamed Cabdiraxmaan lagu xukumay dil toogasho ah.

Guddoomiyaha maxkamada ayaa sidoo kale sheegay in 20 sano oo xabsi ah lagu riday Maxamed Shiniyow Cali.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]