4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 27, 2020
Soomaliya oo la sheegay in ay sii kordhayaan dadka uu ku dhacayo cudurka Coved-19 ka

 

Talaado, October, 27, 2020 (HOL)- Wasaarradda Caafimaadka Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegtay in marka la eego gudaha dalka Soomaaliya ay kordhayaan dadka laga helayo caabuqa cudurka Coronavirus oo ah cudur dhibaato ba’an ku haya guud ahaan caalamka.

Wasaarradda ayaa sheegtay in shantii maalmood ee ugu danbeeyay cudurkan laga baaray dadka ay tiradoodu gaareyso 2,432, iyadoo intaa ku dartay in baaritaan la sameeyay maalintii shalay lagu ogaaday 44 ruux oo qaba cudurkan.

Soomaaliya ayaa lagu waramayaa in uusan jirin baraarugga ku saabsan wax-yeelada cudurka oo meelo badan oo ka mid ah dunida la mamnuucay is dhax-galka bulshada,

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]