4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 26, 2020
Dabley toogasho ku dishay maamulihii shirkadda Amal ee magaalada Kismaayo

 

Isniin, October, 26, 2020 (HOL)- Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose ayaa sheegay in rag hubeysan toogasho ku dileen maamulihii shirkadda Amal ee magaalada Kismaayo Cabdullaahi Cabdisalaan Shigshigow.

Mas’uulkan ayaa la dilay xili uu ka soo baxay masjid uu ku soo tukaday salaadda Duhur sida ay HOL u xaqiijiyeen  Ilo xog-ogaal ah.

Ciidamada maamulka Jubbaland ayaa la sheegay in ay tageen goobta ay toogashadu ka dhacday, halkaa oo ay ka bilaabeen baaritaanno la xiriira dadka toogashadan geystay, mana jirto cid sheegatay dilkan in ay ka danbeysay ama ay u qabteen ciidamada amaanka.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]