4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 26, 2020
Somaliland oo ka jawaabtay eedeymo ka dhashay cafiskii Madaxweyne Biixi uu u fidiyay Maxamed Cumar Carte

 

Isniin, October, 26, 2020 (HOL)-   Xukuumadda Somaliland ayaa ka jawaabtay hadal heyn  ka dhalatay cafiskii  madaxweynaha  Muuse Biixi Cabdi uu u fidiyay Ra’iisal Wasaare ku-xigeenkii hore ee Soomaaliya Maxamed Cumar Carte.

Qoraal uu soo saaray afhayeenka Wasaarradda Warfaafinta Somaliland Cabdullaahi Aadan Cumar ayaa lagu sheegay  in qofka kasta oo reer Somaliland ah oo ka tanaasula fikirkiisii hore ee uu aaminsanaa iyo ka mid ahaashaha Dowladda Federaalka Soomaaliya uu xaq u leeyahay sida uu hadalka u dhigay in uu helo cafis iyo in uu deegaannadiisii dib ugu soo laaban karo.

Xisbiyada mucaaradka Somaliland ayaa dhaliilay habka loo maray cafiska Maxamed Cumar Carte iyaga oo ka digay imaashiyahiisa Somaliland, sidoo kale waxaa arintan siyaabo kala duwan uga hadlay siyaasiyiin caan ah oo reer Somaliland ah.

Wali ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Maxamed Cumar  Carte  oo la xiriira tagistiisa magaalada Hargeysa in uu isaga baxay ka mid ahaansha Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Hoos ka Akhriso Qoraalka ka soo baxay Xukuumadda Somaliland


 

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]