4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 26, 2020
Kiisaska cusub ee COVID-19 ayaa sii kordhay sida ay sheegtay waaxda caafimaadka ee Minnesota



Isniin, October, 26, 2020 (HOL) - Bukaannada cusub ee COVID-19 ayaa weli si aad ah u sii kordhaaya, sida ku cad tirooyinka ay soo saartay Jimcihii Waaxda Caafimaadka ee Minnesota (MDH).

Saraakiisha caafimaadka ayaa shalay sheegay in 1,721 bukaan oo cusub oo fayraska dilaaga ah la soo wariyay, taasoo ka dhigeysa wadarta guud ee gobolka tan iyo markii ay bilaabatay faafida cudurkan safmareenka ah 129,863 bukaan. Kiisaskan cusub waxaa lagu xaqiijiyey natiijooyinka ka soo baxay baaritaanno cusub (oo isugu jira PCR iyo Antigen) oo ay sameeyeen shaybaarro gaar loo leeyahay iyo kuwa gobolka oo lagu sameeyay 26,742 qofood.

13 qofood oo kale ayaa naftooda ku waayey fayraska loo yaqaan Karonafayrus (coronavirus), taas oo wadarta dhimashada gobolka Minnesota ka dhigeysa 2,314 qofood. 1,623, ama 70%, qofood oo ka mid ah dadkaasi dhintay ayaa degannaa xarumaha dadka lagu gargaaro muddada dheer ama ay ku sugaan geeridooda.

Wadarta tirada dadka isbitaal loo seexiyay xanuunkan ee reer Minnesota ayaa hadda gaaray 9,338 qofood tan iyo markii uu bilaabmay faafida cudurkan, iyadoo 2,510 bukaankaasi ka mid ah u baahdeen daryeelka deg-dega ah (ICU). Waaxda Caafimaadka ee Minnesota (MDH) ayaa tiri 114,679 qofood oo uu ku dhacay cudurka COVID-19 ayaa ka bogsaday oo aan u baahnayn in la karantiimeeyo markale.