4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 25, 2020
Ra’iisal Wasaare ku-xigeenkii hore ee Soomaaliya Maxamed Cumar Carte oo gaaray magaalada Hargeysa

 

Axad, October, 25, 2020 (HOL)- Ra’iisal Wasaare ku-xigeenkii hore ee Soomaaliya Maxamed Cumar Carte ayaa lagu waramayaa in uu gaaray magaalada Hargeysa kaddib markii uu cafis ka helay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

Wareegto ka soo baxday xafiiska madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa lagu sheegay in madaxtooyadu cafis u fidiyay Maxamed Cumar Carte si uu u yimaado magaalada Hargeysa oo uu ku xanuunsanayo Aabihii Cumar Carte Khaalib.

Cumar Carte Khaalib oo ah Aqoonyahan Soomaaliyeed ayaa xilal kala duwan ka soo qabtay dowladdihii soo maray dalka.

Lama oga in  Maxamed Cumar Carte uu iska casilay ama  ka tanaasulay xilkii uu ka hayay dowladda Soomaaliya isaga oo ahaa xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka, balse Qoraalka ka soo baxay madaxtooyada Somaliland ayaa lagu sheegay in Maxamed Cumar Carte uu ka noqday fikirkiisii hore.

Qoraalka ka soo baxay xafiiska Madaxweyne Biixi ee lagu saamaxay Maxamed Cumar Carte  

 
 

 

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]