4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Oct 23, 2020
Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya oo ugu baaqay dowladda federalka inay ilaaliso xoriyada hadalka
 

Jimco, October, 23, 2020 (HOL) - Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, James Swan ayaa maanta ku baaqay in la ilaaliyo xorriyadda hadalka, ra'yiga, iyo isu imaatinka, xilli ay Soomaaliya isku diyaarinayso doorashooyin guud.

Wakiilka Qaramada Midoobay ayaa muujiyay baahida loo qabo in la xaqiijiyo in saaxadda siyaasadeed ee dalka ay ahaato mid furan, oo oggolaanaysa in la muujiyo codadka iyo aragtiyada kala duwan, taas oo qayb ka ah geeddi-socodka dimuqraadiyadda.

“Bulsho dimuqraadi ah waa inay oggolaato in si furan loo muujiyo aragtiyada kala duwan ee arrimaha siyaasadda, iyadoo xor ka ah xayiraad ama dhibaateyn, ”ayuu yiri Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, James Swan.

Hadalkan James Swan ayaa u muuqday farriin ku socota dowladda federalka Soomaaliya oo lagu dhaliilo inay xirto cid walba oo sii daysa rayi dowladda kasoo horjeeda.

Maalmo ka hor dowladda federalka ayaa xirtay ganacsade taageere u muujiyay afkaarta Alshabaab iyo weriyihii weraystay.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]