4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Oct 23, 2020
Madaxweyne Trump iyo musharax Joe Biden oo dooddii ugu danbeysay yeeshay

 

Jimco, October, 23, 2020 (HOL)- Madaxweyne Donald Trump iyo Ninka la filayo in ay 3- bisha November ku tartamaan doorashada madaxweynaha dalka Mareykanka ayaa yeeshay dooddoodii ugu danbeysay.

Labada mas’uul ayaa aad uga dooday mowduucyo ay ka mid ahaayeen dhaqaalaha, isirka, isbaddalka cimmillada, ceymiska caafimaadka iyo socdaalka, hase yeeshee waxaa aad doodda u hareeyay uguna weynaa, mowduuca coronavirus.

Waxaa uu madaxweyne Trump ku adkeystay in maamulkiisa uu si wanaagsan u maareynayo dagaalka ka dhanka ah cudurka Covid-19, muddo todobaadyo ah gudahoodna ay ku soo saari doonaan tallaalka xanuunkan.

Laakin Biden ayaa aad ugu weeraray Trump in maamulkiisa uu mas’uul ka yahay dhimashada tirada badan ee uu xanuunkani ku sababay Mareykanka. Isaga oo yiri “Qof walba oo mas’uul ka ah dhimashadaas faraha badan, waa inuusan sii ahaan madaxweynaha waddanka Mareykanka,”

Guud ahaan marka la eego doorashada madaxweynaha dalkaasi Mareykanka ayaa waxaa ka harsan wax ka yar 12 cisho oo kaliya, waana doorasho marka la eego siweyn isha loogu wadahayo.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]