4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Oct 23, 2020
Dagaal ciidamada dowladda iyo Al-shabaab ku dhaxmaray deegaanno hoostaga gobolka Galguduud

 

Jimco, October, 23, 2020 (HOL)- Wararka naga soo gaaraya gobolka Galguduud ee bartamaha Soomaaliya ayaa sheegay in dagaal culus deegaanno hoostaga gobolka uu ku dhaxmaray ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo kuwa xoogagga Ururka Al-shabaab.

Wararku waxaa ay sheegayaan  in guutada 21aad ee ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ay weerar ku qaadeen fariisimo ay ku sugnaayeen dagaalamayaal ka tirsan Al-shabaab deegaanka lagu magacaabo Labi-dulle.

Saraakiisha ciidamada dowladda ayaa sheegay in weerarkaa oo ahaa mid qorsheysan ku dileen xubno ka tirsan Ururka Al-shabaab, laakiin dhinaca Al-shabaab wax war ah kama aysan soo saarin dagaalka ay khasaaraha ka dhashay intaba.

Al-shabaab ayaa ka howlgala deegaanno ka tirsan gobollada dhexe oo ay fariisimo ku leeyihiin , waxaana inta badan deegaannadaa ka dhacay iska horimaadyo dhaxmara ciidamada dowladda iyo Al-shabaab.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]