Galmudug oo shaacisay liiska cusub ee xildhibaanada golaha degaanka Gaalkacyo

 

Arbaco, October 21, 2020 (HOL) - Waasaradda arrimaha gudaha ee dowlad goboleedka galmudug ayaa caawa ku dhawaaqday liiska saxda ah ee xubnaha golaha degaanka degmada galkacyo kuwaas oo ka kooban 27 xildhibaan.

newsinsideKu dhawaaqida xildhibaanada golaha degaanka Gaalkacyo ayaa soo afjartay wajigii 2aad ee Doorashada Xildhibaanada Golaha Deeganka ee Dagmada Gaalkacyo.

Xildhibaanada cusub oo u badan dhalinyaro rag iyo dumarba leh ayaa isku diyaarindoona doorashada duqa Gaalkacyo ee dhinaca Galmudug iyo ku xigeenkiisa.


Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]