4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 21, 2020
Kabtan u dhashay dalka China oo lagusoo oogay dacwad ku saabsan inuu amray dilka burcad badeed Soomaali ah
 

Arbaco, October 21, 2020 (HOL) - Dacwad oogayaasha dalka Taiwan ayaa dacwad ku soo oogay kabtan u dhashay dalka China oo lagu haysto inuu bixiyay amar lagu dilay afar nin oo looga shakiyay inay yihiin burcad badeed Soomaali ah sideed sano ka hor.

Dilkan oo dhacay sanadkii 2012, ayaa soo shaac baxay ka dib markii la helay muuqaallo lagu duubay taleefanka gacanta oo ku saabsanaa sida ay wax u dhaceen laguna baahiyay baraha internetka.

Dacwad oogayaasha Taiwan waxay sheegeen in eedeysanaha oo dhalasho ahaan kasoo jeeda Shiinaha uu qirtay inuu amray dilka markii uu kabtanka u ahaa markabka Taiwan.

Sida ay sheegeen xeer ilaaliyaashu, Eedeesanaha ayaa sheegay in uu ku amray ilaaladiisa Pakistan in ay toogtaan afarta nin si aysan uga baxsan oo u soo abaabulin burcad-badeedda kale in ay afduubtaan markabkiisa.

Qareenada u doodaya ninkaan ayaa ku doodaya in afarta nin ee burcad badeeda ah ay ku dhinteen is rasaasayn dhexmartay iyaga iyo ilaalada markabka Taiwan.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]