4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 17, 2020
Dowladda Soomaaliya oo ogolaatay in Qaadka Itoobiya la keeni karo dalka Soomaaliya

Sabti, October 17, 2020 (HOL) - Dowladda Soomaaliya ayaa ogolaatay in Qaadka dalka Ethoipia uu si sharci ah ku soo gale karo dalka Soomaaliya, ayada oo wali dalka Kenya ay saarantahay xayiraaddii lagu soo rogay. Sharikadda National Airways ee uu fadhigeedu yahay  dalka Itoobiya ayaa maanta ka soo digtay garoonka Adan Cadde ayado oo wadda xamuul qaadka loo yaqaano HAREERI.

Waa markii ugu horeysay oo tan iyo markii u bilowday cudurka Covid19 ay Soomaaliya ay kasoo dagto diyaarad Qaad sida, iyadoo horey garoomada Soomaaliya looga mamnuucay in diyaarado Qaad sida aysan ka soo dagi Karin garoonada Soomaliya.

Lama oga waxa xilligan kusoo beegay in dowladda Soomaaliya ay kala jeclaato Qaadka labada dal ee deriska la ah, waxaase waayahaan sii xumaanayey xiriirka u dhexeeya Soomaaliya iyo Itoobiya. Waxaa socdaal ku jooga dalka Kenya R/Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Khayre oo musharax u ah doorashada madaxweyne.

Dhinaca kale, Qaadka laga dajiyay Muqdisho ayaa saameyn ku yeeshay Qaad horey si hoose loosoo galin jiray magaalada Muqdisho oo ka imaan jiray Kenya.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]