4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 17, 2020
Ciidamo ka tirsan Haramcad oo maanta la geeyay magaalada jowhar
 

Sabti, October 17, 2020 (HOL) - Wararka ka imaanaya magaalada Jowhar ee xarunta maamulka Hirshabelle ayaa sheegaya in halkaasi maanta gaareen ciidamo ka tirsan Booliska sida gaarka ah u tababaran ee loo yaqaano Haramcad.

Diyaarad gaar ah ayaa geysay maanta magaalada Jowhar ciidamo tiradooda saxda ah lagu sheegay 50 askari oo la sheegay iney ka mid yihiin ciidamada Haramcad.

Sarakiil ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa kusoo dhaweyay garoonka diyaaradaha magaalada Jowhar kuwaas oo dabadeedna u galbiyay ciidanka Saldhigyo la sheegay in ciidamadan laga dajinayo magaalada Jowhar ee caasimadda dowlad goboleedka Hirshabelle.

Lama oga sababta rasmiga ah ee ka dambeysa in Jowhar la geeyo ciidamo ka tirsan kuwa Haramcad balse warar hoose oo ay heshay Shabakadda HOL ayaa sheegaya in ciidamadan ay hordhac u yihiin tiro kale oo ka tirsan ciidanka Haramcad oo iyagana lagu wado in maalmaha soo socda la geeyo Jowhar waxaana qorshahu yahay iney ka qeyb qaataan sugida amaanka Jowhar oo lagu wado iney ka dhacdo doorashada maamulka Hirshabelle oo walaac badan laga muujinayo hanaanka loo dhisayo.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]