4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 17, 2020
Qaramada Midoobay oo dib u bilowday daad guraynta muhaajiriinta ku xayiran Lbiya oo ay Soomaali badan ku jiraan
 

Sabti, October 17, 2020 (HOL) - Duulimaadyada Qaramada Midoobay ee daadgureynta muhaajiriinta ku xayiran Liibiya ayaa dib loo bilaabay ka dib markii loo hakiyay sababo la xiriira safmarka Covid19, sida ay sheegtay hay'adda qaxootiga ee Qaramada Midoobay.

In ka badan 150 qof oo ka kala yimid Eriteriya, Soomaaliya, Suudaan iyo Koonfurta Suudaan, oo ay ku jiraan 15 carruur ah oo ay da'doodu ka yar tahay 18 sano jir, ayaa u duulay Niger goor dambe oo Khamiistii ahayd halkaasoo ay hadda ku jiraan karantiil, sida ay sheegtay UNHCR.

UNHCR iyo hay'adda socdaalka ee UN-ka ee IOM labaduba waxay ku baaqeen in Liibiya, oo ay ragaadiyeen sanado badan dagaallo iyo fowdo, in loo aqoonsado inay tahay goob qatar ku ah nabad galyada muhaajiriinta.

Afhayeenka UNHCR ayaa ku sheegay warbixintiisa todobaadlaha ah in ku dhowaad dhamaan muhaajiriinta la daad gureeyay khamiistii ay la kulmeen tacadiyo aan loo meel dayin intii ay ku sugnaayeen Libya.

In ka badan 3,400 oo muhaajiriin ah iyo magangalyo-doonayaal ayaa wali ku jira xarumaha dadka lagu hayo ee qatarta ugu jira xadgudubyada, sida uu sheegay afhayeenku.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]