4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 14, 2020
Hay'adda NISA oo qabatay 79 Tan oo ah maadooyinka qaraxyada laga sameeyo
 

Arbaco, October 14, 2020 (HOL) -Hay’adda nabad sugida iyo sirdoonka Soomaaliya ee NISA, ayaa sheegtay in ay gacan ku dhigtay 79, Tan oo maadada “Sulfuric Acid” oo ah maadooyinka qaraxyada laga sameeyo & Shakhsiyaadkii dalka soo galiyey, una gudbinayey ururka Al-shabaab.

Hay’adda NISA qoraal ay soo dhigtay barteeda Twitterka waxay ku sheegtay in ay wajihi doonaan Sharciga dadka dalka soo galiyay maadadan oo ah waxyaabaha laga sameeyo qaraxyada lagu farsameeyo gudaha dalka.

Baaritaanka Maadadan waxaa ka wada shaqaynaya NISA & Hey’adaha ay iska kaashadaan ladagaalanka waxa loogu yeero Aragagixisada.

Sulfuric acid waa mid ka mid ah kiimikooyinka warshadaha ee inta badan loo isticmaalo in lagu abuuro qaraxyada.

 

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]