4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 13, 2020
Weerar khasaaro geystay oo ka dhacay inta u dhaxeysa Muqdisho iyo Jowhar
 

Talaado, October 13, 2020 (HOL) - Inta la xaqiijiyay 2 qof oo shacab ayaa ku geeriyootay tiro kalana way ku dhaawacmeen kadib markii rag hubeysan ay rasaas ooda kaga qadeen gaari rakaab ah ay saarnayeen.

Dhimashada iyo dhaawaca dadkan shacabka ah ayaa timid kadib markii rag hubeysan wadada u galeen gaarigaan oo noociisu ahaa Hoomeey kaaso kasoo baxay magaalada Muqdisho.

Weerarka ayaa ka dhacay nawaaxiga deegaanka Garsaale oo u dhaxeya magaaloyinka Balcad iyo Jowhar waxaana goobta isaga baxsaday raggii hubeysanaa ee gariga rasaasta ku furay.

Wararkii ugu dambeyay ee kusoo dhacay Shabakadda HOL ayaa sheegaya in goobtii gaariga lagu rasaaseyay ay gaareen ciidamo ka tirsan Militariga Soomaaliya kuwaas oo hadda wadda howlgalo lagu baadi goobayo ragii weerarkaasi geystay, lamana oga ilaa hada sababta rasmiga ah ee ka dambeysa weerarka lagu qaaday gaariga rakaabka ah ay saarnayeen dadka shacabka ah ee qaarna dhintay qaarna dhaawaca ah.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]