4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 12, 2020
Amaanka degmada Buula burte iyo sidii go'doonka looga saari lahaa oo laga shiray
 

Isniin, October 12, 2020 (HOL) - Taliyaha qeybta 27-aad ee ciidamadda xooga dalka Soomaaliyeed Janeraal Axmed Maxamed Maxamuud Tareedishe iyo taliyaha guutada 5-aad Korneel Maxamuud Xasan Ibraahin Baakaay ayaa maanta kulan looga hadlayay amaanka guud ee degmada Buula burte la qaatay masuuliyiin ka tirsan maamulka degmada.

Taliyeyaasha qeybta 27-aad iyo guutada 5-aad ayaa Sarakiisha amniga degmada Buula burte kala hadlay xaalada amaan ee degmadaasi iyo waliba sidii go'doonka looga saari lahaa Buula burte oo muddo 7 sanno ah ku jirta xaalad go'doon ah oo ay galiyeen dhaqdhaqaaqa Al-shabaab.

Degmada Buula burte oo dhacda bartamaha gobolka Hiiraan ayaa ah degmo istaraatiiji ah waxaana kulanka maanta la sheegay in leesla meel dhigay xaqiijinta amaanka guud ee degmada iyo sidii loo furi lahaa wadada dheer ee isku xirta magaalooyinka Baledweyne iyo Buula Burte.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]