4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 11, 2020
AMISOM iyo Al-shabaab oo ku dagaallamay duleedka Baraawe
 

Axad, October 11, 2020 (HOL) - Wararka ka imaanaya degmada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha hoose ayaa sheegaya in uu halkaas dagaal ku dhex maray ciidamada AMISOM iyo Alshabaab, labada dhinac ayaa isku adeegsaday hub cul culus, waxaana la maqlayay madaafiic xooggan oo ay isweydaarsadeen.

Dagaalka ayaa bilowday kadib markii Alshabaab ay weerareen fariisin ay AMISOM ku lahaayeen duleedka degmada, kadibna waxaa dhacay dagaalka oo ahaa mid xooggan , sida dadka deegaanka ay u sheegeen warbaahinta maxalliga ah ee magaalada Muqdisho.

Warku waxa sda oo kale uu sheegayaa in uu jiro khasaare soo kala gaaray labada dhinac ee ku dagaallamay duleedka Baraawe, balse waxaan si rasmi ah loo xaqiijin Karin tirade rasmiga ah ee dhimashada iyo dhaawaca ah , sida Ilo dhinaca deegaanka ah ay sheegeen warbaahinta.

Gobolka Shabeellaha hoose waxaa dhowr jeer ku dagaallamay ciidamada dowladda, kuwa AMISOM oo garab isi siinaya iyo Alshabaab , waxaana dagaalladaas ay wax-yeello badan kasoo gaartaa dadka rayidka ah.

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]