4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 9 , 2020
Taliska Jabuuti ee degmada Baledweyne oo agabka Ciyaaraha ugu deeqay Xiriirka Kubadda Cagta


Isniin, November, 09, 2020 (HOL) - Munaasabad kooban oo lagu qabtay xarunta maamulka gobolka Hiiraan oo ay kasoo qeyb galeen Sarakiil ka tirsan ciidamada Jabuuti ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM kuwooda Baledweyne ayaa agab kala duwan oo Ciyaaraha ah ku wareejiyay masuuliyiinta Xiriirka kubadda cagta gobolka iyo degmada.

Sarakiisha Jabuuti ayaa sheegeen in agabka Ciyaaraha ay ugu talo galeen dhiira galinta dhalinta Ciyaaraha iyo horumarka iyo isdhexgalka dhalinyarada degmada Baledweyne.

Goobta munaasabada agabka lagu wareejinayay waxaa ku sugneyd Duqa magaalada Baledweyne Nadar Tabaax Maalin iyo guddoomiyaha degmada Baledweyne Cismaan Dhicisoow Dhuuboow waxayna kaga mahadceliyeen Sarakiisha Jabuuti agabka Ciyaaraha ay ku wareejiyeen xiriirka Olombikada gobolka Hiiraan.

Madaxda xiriirka Kubadda Cagta gobolka iyo kan degmada ayaa si weyn uga mahad celiyay agabka maanta lagu wareejiyay iyagoona sheegay in baahi weyn ay u qabeen agabka maanta lagu wareejiyay.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]