4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 9 , 2020
Safiirka Talyaaniga ee Soomaaliya oo gaaray magaalada Hobyo
 

Isniin, November, 09, 2020 (HOL) - Safiirka Talyaaniga ee Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo wasiirka Dekedaha dowlad goboleedka Galmudug Cabdi Saabir Nuur ayaa gaaray magaalada Hobyo ee Galmudug.

Wafdigan ayaa la filayaa in ay dhagax dhigaan dhismaha dekeda Hobyo oo heshiiska lagu dhisayo lagusoo saxiixay London usbuucii hore.

Heshiis ku saabsan dhismaha dekeda Hobyo ee gobolka Mudug waxay Galmudug la gashay Shirkad lagu magacaabo Oriental, oo fadhigeedu yahay Magaalada London ee dalka Ingiriiska.

Oriental Company waa shirkad ay ku mideysan yihiin saddex shirkadood oo Turkey, Britain iyo Soomaali isugu jira, kuwaas oo qaatay qandaraaska lagu dhisayo dekeda Hobyo.

Ma ahan markii ugu horeysay oo la dhagax dhigidoono dekeda Hobyo, waxaa horey u dhagax dhigay madaxweynaha Soomaaliya iyo maamulka Galmudug, balse weli laguma guulaysan in la billaabo dhismaheeda.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]