4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 9 , 2020
Guddoomiyaha degmada Warsheekh oo sheegay in la aqoonsaday magacyada dabley laayay dad maato ah
 

Isniin, November, 09, 2020 (HOL) - Guddooomiyaha degmada Warsheekh ee gobolka Shabeelada dhexe ayaa sheegay inay hayaan magacyada  iyo xogta dadkii ka dambeeyay dil xalay loo geystay hooyo iyo labo kamid ah carruurteeda oo lagu dilay tuulo hoos tagta Warsheekh.

Guddoomiyaha ayaa sheegay baaritaan la sameeyay falka kadib, in ay heleen magacyada dadkii falkaas ka dambeeyay islamarkaana wuxuu ballanqaaday in cadaaladda la horkeenidoono dambiilayaasha.

Waa dhacdadii labaad oo lagu laayo dad shacab ah muddo kooban gudaheed. Waxaa horey gobolka Shabeeladda dhexe loogu dilay 7 culimo ah, iyadoo dadkii falkaas ka dambeeyay aan weli gacanta lagusoo dhigin.

Guddoomiyaha degmada Warsheekh ayaa ugu baaqay dowladda federalka Soomaaliya inay soo faro galiso xaaladdan islamarkaana meel looga soo wada jeesto dadka caadaystay inay laayaan dadka birimagaydada ah.

Wuxuu sheegay in odayaasha dhaqanka ay ku guul daraysteen inay soo afjareen colaada dhextaala labo beelood, kuwaas oo uu sheegay in colaadoodu isku bedeshay xasuuq loo geysanayo dadka maatada ah.

Dhinaca kale, madaxweyne ku xigeenka ahna sii haya xilka madaxweynaha Hirshabeelle, Cali Guudlaawe ayaa si adag u cambaareeyay falkaan wuxuuna  ciidamada amniga faray inay gacanta kusoo dhigaan dadkii ka dambeeyay.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]