4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 9 , 2020
Doorashada madaxweynaha dowlad gobolleedka Hirshabeelle oo dib u dhici karta (Warbixin)

 

Isniin, November, 09, 2020 (HOL)–Warar soo baxaya ayaa sheegaya suurtagalnimada in dib loo dhigo jadwalka doorashada madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa ee dowlad gobolleedka Hirshabeelle kaddib markii la waayay musharax kale oo xilkan kula tartama Cali Cabdullaahi Xusseen ‘’ Cali Guudlaawe’’ oo dhinaca kale ah sii hayaha xilka madaxweynaha.

Cali Guudlaawe oo la rumeysan yahay in ay wadato madaxtooyada Soomaaliya ayaa ilo xog ogaal ah oo u waramay HOL waxaa ay sheegayaan in musharixiintii kale ee la tarmi lahaa dib uga gurteen kaddib markii ay ka war heleen in  doorashada Cali Guudlaawe tahay mid meel ku Qoran oo la sii ogyahay.

Doorashada  madaxweynha iyo ku-xigeenkiisa ayaa lagu wadaa in la qabto 11ka bishan oo ku beeggan Arbacada toddobaadkan, balse waxaa dhici karta in Guddoonka Baarlamaanka iyo Guddiga doorashada ka wada=hadllaan in wax ka badal lagu sameeyo jadwalka ilaa inta laga helayo musharax kale oo la tartama Cali Guudllaawe.

Magaalada Jowhar ayaa wararka ka imaanaya waxaa ayaa sheegayaan in xubnaha ololaha doorashada musharaxan saacadihii ugu danbeeyay ku howlanaayeen sidii ay u heli lahaayeen ugu yaraan musharax tartan aan sax aheyn la gala Guudlaawe kaasoo loo sameynayo balanqaadyo kala duwan.

Dowladda Soomaaliya ayaa lagu waramayaa in ay gadaal ka riixeyso qorshan socda iyadoo horay ugu guuleysatay in musharixiintii ay wadatay ku soo baxaan dowlad gobolleedyada Koonfur Galbeed iyo Galmudug.

Qabashada Araajida musharixiinta u taagan xilka madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa ee dowlad gobolleedka Hirshabeelle ayaa maanta ku eg sida ay horey guddiga doorashada u sheegeen sidaa daraadeed haddii aysan dhici musharixiin isku diiwaa-galiya doorashada xilka kursiga madaxweynaha waxey u muuqataa in jadwalka doorasho uu dib u dhac  ku iman doono 

Madaxweynihii hore ee Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare oo dhawaan sheegay in uu xilkaa iska casilay ayaa ku eedeeyay dowladda Soomaaliya in ay dhagaha ka fureysatay sida uu hadalka u dhigay baaqyo kala duwan oo loo jeediyay, isaga oo intaa raaciyay in shalay iyo maantaba waddada loo marayo dhismaha Hirshabeelle tahay mid qaldan.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]