Hiiraan Online
3/28/2024
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Somali Music
Contact Us
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta- Isniin, Nov 9 , 2020
Faahfaahino kasoo baxaya dagaal culus oo dhexmaray ciidamada Kenya iyo Al-shabaab
Isniin, November, 09, 2020 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo ciidamada Kenya iyo kuwa maamulka Jubbaland iyo Al-shabaab ku dhexmaray deegaano ka tirsan gobolka Jubbada Hoose.
Dagaalka ayaa yimid kadib markii dhaqdhaqaaqa Al-shabaab weerar ku qaadeen fariiso ay ciidamada kenya ku leeyihiin deegaanada Qooqaani iyo Taabta oo ka tirsan gobolka Jubbada Hoose waxaana halkaasi ku dhexmaray dagaal culus oo qasaaro kala duwan geystay.
Al-shabaab ayaa sheegatay iney guulo ka gaareen weerarkaas oo ay qasaaro kala duwan gaarsiyeen ciidamada Kenya iyo kuwa maamulka Jubbaland.
Dhinaca kale Sarakiil ka tirsan ciidamada maamulka Jubbaland oo warbaahinta la hadlay ayaa dhankoodana sheegtay iney guulo ka gaareen dagaalkaasi oo ay iska difaaceen weerarka Al-shabaab kusoo qaadeen.
Majirto wax war ah oo kasoo baxay dhinaca Sarakiisha ciidamada Kenya ee ka tirsan howlgalka ciidamada AMISOM.
Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]
Taliska Jabuuti ee degmada Baledweyne oo agabka Ciyaaraha ugu deeqay Xiriirka Kubadda Cagta
11/9/2020 2:22 PM EST
Isniin, November, 09, 2020 (HOL) - Munaasabad kooban oo lagu qabtay xarunta maamulka gobolka Hiiraan oo ay kasoo qeyb galeen Sarakiil ka tirsan ciidamada Jabuuti ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM kuwooda Baledweyne ayaa agab kala duwan oo Ciyaaraha ah ku wareejiyay masuuliyiinta Xiriirka kubadda cagta gobolka iyo degmada.
Safiirka Talyaaniga ee Soomaaliya oo gaaray magaalada Hobyo
11/9/2020 2:20 PM EST
Isniin, November, 09, 2020 (HOL) - Safiirka Talyaaniga ee Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo wasiirka Dekedaha dowlad goboleedka Galmudug Cabdi Saabir Nuur ayaa gaaray magaalada Hobyo ee Galmudug.
Musharixiinta Madaxweynaha iyo Ku-xigeenkiisa Dowlad Gobolleedka Hirshabeelle oo is diiwaangaliyay
11/9/2020 9:11 AM EST
Isniin, November, 09, 2020 (HOL)– Waxaa goor dhaw la soo gabagabeeyay diiwaan-galinta musharixiinta u taagan xilka madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa dowlad gobolleedka Hirshabeelle.
Xaliimo Yareey ‘’ Gafkii iga dhacay waan ka soo noqday Alle ayaana uga Towbad keenay
11/9/2020 7:46 AM EST
Isniin, November, 09, 2020 (HOL)– Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee doorashooyinka Qaranka Xaliimo Ismaaciil [Xaliimo Yareey] ayaa si kooban uga hadashay eedeyn uga timid culimada kaddib markii been abuur ku tilmaamtay Aayada Qur’aanka ee Alle uu ku sheegay in Xaawo laga abuuray Feerta Aadam.
Guddoomiyaha degmada Warsheekh oo sheegay in la aqoonsaday magacyada dabley laayay dad maato ah
11/9/2020 7:21 AM EST
Isniin, November, 09, 2020 (HOL) - Guddooomiyaha degmada Warsheekh ee gobolka Shabeelada dhexe ayaa sheegay inay hayaan magacyada iyo xogta dadkii ka dambeeyay dil xalay loo geystay hooyo iyo labo kamid ah carruurteeda oo lagu dilay tuulo hoos tagta Warsheekh.
Doorashada madaxweynaha dowlad gobolleedka Hirshabeelle oo dib u dhici karta (Warbixin)
11/9/2020 5:42 AM EST
Isniin, November, 09, 2020 (HOL)–Warar soo baxaya ayaa sheegaya suurtagalnimada in dib loo dhigo jadwalka doorashada madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa ee dowlad gobolleedka Hirshabeelle kaddib markii la waayay musharax kale oo xilkan kula tartama Cali Cabdullaahi Xusseen ‘’ Cali Guudlaawe’’ oo dhinaca kale ah sii hayaha xilka madaxweynaha.
Tigreyga oo dalbanaya xabad joojin iyo la soo afjaro xasarrada taagan
11/9/2020 4:34 AM EST
Isniin, November, 09, 2020 (HOL) - Madaxweynaha maamulka Tigray Debretsion Gebremichael ayaa lagu soo warramayaa in uu ku baaqay in lasoo afjaro colaadda ka taagan gobolka isla markaana la bilaabo wadahadallo si xiisadda loo dejiyo.
Dowladda Kenya oo sheegtay inay dadka Soomaaliyeed u fududaynayso fiisaha dal ku galkeeda
11/9/2020 2:00 AM EST
Isniin, November, 09, 2020 (HOL) - Xoghayaha arrimaha dibadda Kenya Secretary Macharia Kamau oo socdaal ku tagay magaalada Muqdisho, ayaa sheegay inuu ka shaqeynayo sidii dowladdiisa u fududayn lahayd Fiisaha dal ku galka, si loo horumariyo isku socodka iyo xiriirka ganacsi ee labada dal.
Hooyo iyo Labo carruur ah oo ay dhashay oo lagu dilay degmada Warshiiq ee gobolka Shabeellaha Dhexe
11/9/2020 1:50 AM EST
Isniin, November, 09, 2020 (HOL) –Wararka ka imanaya degmada Warshiiq ee gobolka Shabeellaha Dhexe gaar ahaan deegaanka lagu magacaabo Fillo –dheer ayaa sheegaya in maleeshiyaad hubeysan ku dileen hooyo iyo labo carruur ah oo ay dhashay.
Dr. Abdinur Mohamed oo ah Musharax madaxweyne ayaa lagu soo dhaweeyay Columbus
11/9/2020 12:48 AM EST
Isniin, November, 09, 2020 (HOL) - Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Magaalada Columbus Ohio ayaa xaflad soo dhaweyn iyo dhiirogalin ah u sameeyay Musharaxa madaxweynaha Soomaaliya Dr. Abdinur Sheikh Mohamed.
Afhayeenka TPLF " Waxaan soo ridnay diyaarad duqayn rabtay meelo u dhaw Maqale"
11/9/2020 12:39 AM EST
Isniin, November, 09, 2020 (HOL) - Afhayeenka Ururka TPLF Getachow Rada ayaa habeenimadii xalay mar uu ka hadlayay Warbaahinta degaanka Tigrayayaa sheegay in shalay ay soo rideen ciidamada degaanka Tigray diyaarad rabtay inay duqayso meelo u dhaw Maqale.
Somali News
Ethiopian army flee to Sudan over clash with Tigrayian forces- local media
-
HOL
11/9/2020 1:32 PM EST
ADDIS ABABA (HOL) - Thousands of Ethiopian forces have fled into Sudan following a clash with forces loyal to the rebel Tigrayian People’s Liberal Front (TPLF).
Violence worsens in Ethiopia as hundreds reported to have died in conflict
-
Reuters
11/9/2020 11:11 AM EST
An escalating conflict in Ethiopia’s restive Tigray region has killed hundreds of people, sources on the government’s side said, even as the prime minister sought on Monday to reassure the world his nation was not sliding into civil war.
HirShabelle presidential elections to be delayed as aspirants keep off race
-
HOL
11/9/2020 3:22 AM EST
MOGADISHU (HOL) - Presidential elections in HirShabelle is set to be postponed after it emerged that no other candidate has presented himself to battle it out with the Federal Government fronted aspirant Ali Guudlaawe.
Ilhan Omar: 'Glorious' That People Trump Targeted Mobilized Against Him in Election
-
Newsweek
11/9/2020 12:55 AM EST
Reflecting on the results of the presidential election, Democratic congresswoman Ilhan Omar cited community efforts to vote Donald Trump out of office and, specifically, lauded those led by communities he targeted during his time in the White House.
Ethiopian leader defends military conflict in defiant Tigray
-
AP
11/9/2020 12:49 AM EST
Ethiopia’s Prime Minister has sought to defend a major military action against the country’s defiant Tigray region on Sunday, and urged citizens not to target the ethnic Tigrayan people amid fears of civil war.
‘We don’t take blacks’: Melbourne woman booted from Airbnb over disgusting texts
-
News Au
11/9/2020 12:41 AM EST
A Melbourne teenager and her sister were “shocked” when they tried to rent a room in the CBD and were rejected because “you are black”.=
Galmudug pastoralists eager to become literate to manage their mobile phones
-
Radio Ergo
11/9/2020 12:35 AM EST
(ERGO) – “I’m learning at this age because I want to be able to use mobile money,” 60-year-old central Somali pastoralist Abdullahi Mohamed Ali told Radio Ergo, praising the new literacy classes he is attending in his village.
PS Macharia proposes visa on arrival for Somalis
-
The Star
11/9/2020 12:26 AM EST
Foreign Affairs PS says this will attract more Somali tourists to Kenya
Turkish finance minister, Erdogan’s son-in-law, resigns post
-
AP
11/9/2020 12:22 AM EST
ANKARA, Turkey (AP) — Turkey’s finance minister and son-in-law to President Recep Tayyip Erdogan announced his resignation on social media Sunday.