4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Nov 8 , 2020
Dagaal ciidamada dowladda iyo Al-shabaab ku dhaxmaray gobolka Shabeellaha Hoose

 

Axad, November, 08, 2020 (HOL) - Wararka ka imanaya gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in dagaal culus oo khasaare geystay uu dhaxmaray ciidamada dowladda iyo kuwa xoogga ururka Al-shabaab.

Dagaalkan ayaa gaar ahaan ka dhacay deegaanka Buulo Naagey oo ku yaalla inta dhaxeeya Ceel Wareegow Iyo Namabr 60 Ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Labada dhianc ayaa dagaalka isku adeegsaday hub culus waxaana jira khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh oo soo kala gaaray.

Saraakiisha ciidamada dowladda Soomaaliya ee gobolka Shabeellaha Hoose oo dagaalkan ka hadlay ayaa guulo ka sheegtay.

Laakiin dhinaca kale ma jiro wax war ah oo ka soo baxay xooggga Ururka Al-shabaab ee dagaalka la galay ciidamada dowladda.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]