4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Nov 8 , 2020
Guddoonkii hore ee Baarlamaanka Hirshabeelle oo xilka wareejiyay

 

Axad, November, 08, 2020 (HOL)- Iyadoo lagu waddo in labo cisho ka hor magaalada Jowhar lagu qabto doorashada madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa ee dowlad gobolleedka Hirshabeelle ayaa waxaa xilka wareejiyay guddoonka hore ee Baarlamaanka.

Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Hirshabeelle Cismaan Barre Maxamed iyo guddoomiye ku-xigeenkii koowaad Cabdi Xassan Geedi ayaa xilka ku wareejiyay guddoonka cusub ee dhawaantan la doortay kaddib munaasabad kooban oo ka dhacday magaalada Jowhar.

Cismaan Barre Maxamed ayaa la shaqeeyay labadii madaxweyne hore ee isaga danbeeyay Hirshabeelle, waxaana uu ahaa shaqsi saameyn badan ku lahaa siyaasadda maamulkan laakiin uma suurtagalin dhismahan cusub ee Hirshabeelle in uu ka soo dhax muuqdo.

Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Hir-Shabeelle Cusmaan Barre ayaa Guddoomiyaha Cusub ugu hambaleeyay xilka loo dooryay, isaga oo ugu baqay in uu dardar geliyo Shaqooyinka horyaalla, isla markaana dhankiisa uu la Shaqeyn doono.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]