4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Nov 8 , 2020
Dilalka muwaadiinta Soomaalida ee Koonfur Africa oo sii kordhaya

 

Axad, November, 08, 2020 (HOL)- Waxaa sii kordhaya dilalka kooxo madow ah oo la garaneyn dalka Koonfur Africa kula kacayaan ganacsatada Soomaalida ah , iyadoo todobaadydii aynu soo dhaafnay la tiro ganacsatado Soomaali ah.

Xaley ayaa lagu waramayaa in xaafada Elsis oo Ka Tirsan Magaalada Cape Town lagu dilay muwaadin Soomaaliyeed oo lagu magacaabi jiray Cabdi Jimcaale sida ay warbaahinta u sheegeen dad ay is garanayeen marxuumka oo ay goob ka wada shaqeynayeen.

Ciidamo ka tirsan kuwa Koonfur Africa ayaa la sheegay in ay tageen goobta ay toogashadu ka dhacday, balse waxaa la sheegay in ay baxsadeen kooxda dilka geysatay.

Dowladda Koonfur Africa ayaa wax talaabo ah oo uu muuqda ka qaadin amniga dadka ajaanibta ah ee ku sugan dalkaa gaar ahaan ganacsatada Soomaaliyeed oo dilalka ugu badan lagula kaco.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]