4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Nov 8 , 2020
Madaxweynaha Soomaaliya oo u hambalyeeyay madaxweynaha cusub ee Maraykanka
 

Axad, November, 08, 2020 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa u hambalyeeyay Madaxweynaha cusub ee loo doortay ee dalka Mareykanka, Joe Biden iyo ku xigeenkiisa Kamala Harris.

Qoraal kooban oo madaxweyne Farmaajo uu soo dhigay bartiisa twitterka, ayuu ku sheegay in Soomaaliya ay u rajeyneyso madaxweynaha cusub inuu ku guuleysato dadaalladaadiisa.

“Waxaan ka rajeyneynaa iskaashi dhow. Maraykanka wuxuu xulafo adag iyo bah wadaag la yahay Soomaaliya iyo horumarkeeda,” ayuu madaxweynaha ku yiri qoraalkiisa.

Dowladda Soomaaliya ayaa ka filaysa isbedelka cusub ka dhacay Maraykanka inuu wax ka bedelo arrimo badan oo ay kamid tahay inuu Maraykanku xoojiyo taageerada uu siiyo Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya waxay walwal ka qabtay qorshayaal uu damacsanaa madaxweynihii hore ee Maraykanka Donald Trump, kaasoo doonayay inuu joojiyo taageerada milatari ee Maraykanku siiyo Soomaaliya.

Afartii sano ee uu xilka hayay Trump wuxuu Soomaaliya iyo dalal kale oo muslim ah ka mamnuucay inay dalkiisa u safraan. 

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]