4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 7 , 2020
Wararkii ugu dambeyay doorashada dalka Mareykanka iyo rajadda Joe Biden oo sii kordheysa
 

Sabti, November, 07, 2020 (HOL) - Rajadda Joe Biden uu ka qabo inuu ku guuleysto doorashada Madaxweynaha dalka mareykanka ayaa sii kordheysa.

Joe Biden ayaa aad ugu sii dhawaanaya guusha Madaxtinimada Mareykanka waxuuna hadda heysta codad gaaraya 253 cod oo ka mid ah 270-ka cod ee Ergadda codbixinta looga baahan yahay qofka guuleysanaya si uu ula wareego taladda Aqalka Cad ee dalka Mareykanka.

Biden oo la hadlayay kumanaanka kun ee taageerayaashiisa ah ayaa u sheegay inuu hogaamin haayo tartanka doorashada iyo codadka ee gobolalada isha gaarka ah lagu haayo sida Nevada, Georgia, Arizona iyo meelo kale.

Biden hadii uu guuleysto waxaa xafiiska Aqalka Cad baneen doona Donald Trump bisha janaayo 2021 oo ay ku eg tahay mudadii afarta sanno ee uu hogaaminayay dalka Mareykanka.

Natiijada rasmiga ah ayaa lagu waddaa in lagu dhawaaqo labada maalin ee soo socota, waxaana saadasha iyo sida ay u muuqato codadka lakala haysto guusha isku diyaarinaayo Mr Joe Biden.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]