4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 7 , 2020
Koonfur galbeed oo mamnuucday isticmaalka iyo ka ganacsiga daawada Tramandol
 

Sabti, November, 07, 2020 (HOL) - Dowlad goboleedka koonfur galbeed ayaa mamnuucay isticmaalka daawada Tramandol kadib markii maamulku sheegay in hab qaldan oo loo isticmaalay ay ka dhalatay dhibaatooyin caafimaad.

Tramadol waa daawo xanuun baabi’iye ah waxa loo isticmaalaa xanuunada daran sida kuwa jilbaha, kala qoysyada iyo xanuuno waqtiga badan jiray waxayna ka mid tahay dawooyin badan oo si qaldan loo isticmaalo taasina ay ka dhalato in uu qofku la qabsado mar walbana uu ku tiirsanaado isticmaalkeeda.

Wasaaradda caafimaadka koonfur galbeed ayaa sheegtay in dawadan ay balwad ka dhigteen dhalinayarada, taasoo u geysatay dhibaatooyin caafimaad oo halis ah oo keeni kara dhimasho.

Maamulku wuxuu amar ku bixiyay in farmashiyihii lagu arko isagoo dawadaas iibinayaa in tallaabo sharci ah laga qaadidoono. 



Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]