4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 5 , 2020
Wararkii ugu danbeeyay ee Doorashada Mareykanka

 

Khamiis, November, 05, 2020 (HOL)- Joe Biden oo ah musharaxa Xisbiga dimuqraadiga ayaa aamisan in uu guuleystay inkastoo wali guud ahaan marka la eego dalka Mareykanka ay socto tirinta codadka la dhiibtay.

Dimuqraadiga ayaa sheegay in doorashadan ay ka heleen codadkii ugu badnaa abid oo musharax  Madaxweyne Mareykankan uu ku guuleysto.

Dimuqraadiga wuxuu sheegay in uu ku guuleystay codad gaarayo 70.5 malyan halka Trump uu ku guuleystay in ka badan 67.2 malyan cod.

Madaxweynihii hore ee Mareykanka Barack Obama ayaa doorashadii sanadkii 2008-dii ku guuleystay codad gaarayo 69.5 malyan.

Dhanka kale, kooxda ololaha Trump ayaa doonayaa in la joojiyo tirinta codadka qeybo kamid ah gobolka Georgia-halkaas oo kamid ah gobollada laisku hayo, lamana saadalin cidda ku guuleysan karto codadka gobolkan.

Dacwadda ay gudbiyeen kooxda ololaha doorashada Trump ayaa waxaa ay ku sheegeen in mid ka mid ah kormeerayaashooda uu arkay mid ka mid ah shaqaalaha doorashada oo xilli dambe 53 cod ku daraya codadkii horey u gaaray deegaanka Chatham.

Laakiin haddana eedeyntaa ay soo jeediyeen kooxda ololaha Doorashada madaxweyne Trump  ayaan marnaba wax  saameyn ah ku yeelan sida ay u socdaan howlaha tirinta codadka.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]