4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 4 , 2020
Guddoonka Baarlamaanka Dowladda Gobolleedka Hirshabeelle oo la doortay

 

Arbaco, November,  04 2020 (HOL)-  Waxaa soo dhamaatay doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka 2aad ee dowlad gobolleedka Hirshabeelle iyadoo Cabdixakiin Luqmaan Xaaji Maxamed loo doortay in uu noqdo guddoomiyaha Baarlamaanka.

Guddoomiyaha cusub ayaa helay 77 cod halka musharixii la tartamayay Maxamed Maxamuud Goodir uu helay 21 cod guud ahaan marka la eego xildhibaannadii codadka dhiibatay oo ahaa  99 mudane iyadoo hal codna la sheegay in uu xumaaday.

Siraaji Seekh Isxaaq ayaa loo doortay sidoo kale in uu noqdo guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee  Baarlamaanka dowlad gobolleedka Hirshabeelle kaddib markii uu tanaasulay musharixii la tartamayay Saadaq Salaad Warsame.

Mahad Xassan Cismaan ayaa dhinaca kale  loo doortay in uu noqdo guddoomiye ku-xigeenka 2aad ee dowlad gobolka Hirshabeelle waxaana xilkan kula tartamay Canad Axmed Ciise.

Doorashada ayaa imaneysa xili magaalada Jowhar uu ku sugan yahay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed oo ay weliyaan mas'uuliyiin hore oo ka soo jeeda gobolka Hiiraan.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]