4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 4 , 2020
Madaxweyne Trump oo sheegay inuu ku guulaystay doorashada madaxtinimada xilli ay weli tirinta codadka socoto
 

Arbaco, November, 04, 2020 HOL) - Madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump ayaa ku dhawaaqay inuu ku guulaystay doorashada madaxtinimada ee weli ka socota dalka Maraykanka.

Madaxweyne Trump oo shir jaraa’id ku qabtay aqalka cad labadii habeenimo ee saacadda Maraykanka ayaa shaaciyay inuu guulaystay.

"Waxaan u diyaar garoobaynay inaan ku guuleysano doorashadan, runtiina waan ku guuleysanay doorashadan"  ayuu Trump u sheegay taageerayaashiisa.  

Ku dhawaaqidaan ayaa kusoo beegmaysa, iyadoo malaayiin codad aan weli la tirin.

Taageerayaasha xisbiga dimuqraadiga ayaa si aad ah uga xumaatay hadalka Trump

Natiijada doorashada Maraykanka ayaa ku xiran saddex gobol ee go’aamindoona cidda doorashada ku guulaysanaysa kuwaas oo kala ah, Wisconsin, Pennsylvania iyo Michigan

Goboladaan ayaa weli tirinta codadkoodu socotaa.

Madaxweyne Trump ayaa sheegay inuu dacwad gudbindoono maxkamada sare , isagoo sheegay in uusan aqbalidoonin codad gadaal laga keenay.

Labada musharax ayaa hadda kala haysta, Trump 213, Biden 220.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]