4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 4 , 2020
Somaliland oo xabsi shan sano ah ku riday mulkilihii Astaan TV
 

Arbaco, November, 04, 2020 HOL) - Maxkamadda gobolka Maroodi-jeex ee Somaliland ayaa maanta Cabdimanan Yuusuf oo kamid ah mulkilayaasha Astaan TV, ku xukuntay 5 Sanno oo xarig ah.

Maxkamada ayaa sidoo kale Astaan Tv kusoo rogay xayiraad ka dhan ah inuu kasii shaqeeyo Somaliland iyo ganaax lacageed oo dhan 2 Billion oo ah lacagta Somaliland ah.

Illaa iyo hadda lama sheegin sababta uu ku mutaystay ciqaab intaas le’eg,  isagoo illaa bishii July ku xirnaa xabsiga magaalada Hargeysa.

Qareenada u doodayay ayaa sharci darro ku tilmaamay xukunka lagu riday mulkilaha Astaan TV, waxayna tilmaameen in markii hore sharci darro lagu xiray, sharci darrana lagu xukumay.

Sidoo kale, ururka saxaafada Somaliland ayaa sidoo kale cambaareeyay xukunka lagu riday Cabdimanan, waxayna ku tilmaameen xadgudub weyn iyo cadaalad darro.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]