4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 30, 2020
Buuq iyo gacan ka hadal hareeyay xarunta barlamaanka Puntland
 

Isniin, November, 30, 2020 (HOL) - Buuq iyo gacan ka hadal ayaa hareeyay xarunta barlamaanka Puntland ee Garowe, kadib markii xildhibaano katirsan barlamaanka ay ka gadoodeen go’aan barlamaanku ka qaatay heshiiska DP world.

Gacan ka hadalkaan ayaa yimid xilli uu barlamaanku ku guda jiray la xisaabtanka golaha wasiiradda xukuumada Puntland, iyadoo kadibna uu gebi ahaanba istaagay kulankaas.

Guddoomiyaha barlamaanka Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, ayaa ku eedeeyay shan xildhibaan in ay ka dambeeyeen fowdadan, isagoo sheegay in ay suurtagali weyday in barlamaanku shaqadiisa sii wato.

“Waxaan hakiyey fadhigii maanta Sida ku cad Qodobka 8-aad farqada 6-aad ee xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada ka dib markii ay is-hortaag ku sameeyeen 5 Mudane habsami u socodkii Shaqada Gollaha,” ayuu yiri guddoomiyaha barlamaanka.

Barlamaanka Puntland ayaa ajendaha ka saaray ka doodista heshiiska DP-world, iyagoo tixgaliyay codsi uga yimid madaxweyne Deni oo goor sii horeysay kulan qado ah la qaatay qaar kamid ah xildhibaanada.

Abdisalan Nur Dirie, Hiiraan Online
[email protected]