4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 30, 2020
Laamaha garsoorka gobolka Sool oo cabsi amni darteed shaqadii u joojiyay
 

Isniin, November, 30, 2020 (HOL) - Masuuliyiinta garsoorka Somaliland ee gobolka Sool ayaa shaqooyinkoodii hakad u galiyay sababo amni darteed, kadib dilalkii is xigxigay ee loo geystay guddoomiyaha maxkamada gobolka Sool iyo garsoore kale.

Sida aan wararka ku helayno maxkamada gobolka Sool ayaa joojisay shaqo maalmeedkeedii kadib markii saraakiishii ka howlgalaysay ay sababo amni darteed u wadi waayeen shaqadii loo igmaday.

Qaar kamid ah masuuliyiintii maxkamadaha ayaa wararku sheegayaan in ay Hargeysa u boqooleen, kadib markii ay cabsi ka muujiyeen beegsiga lagu hayo saraakiisha ka shaqeysa laamaha garsoorka.

Lama garanayo sababta loo beegsanayo laamaha garsoorka, mana jirto cid illaa iyo hadda sheegatay masuuliyadda dilalkii dhacay.

Bishii maarso ee sanadkan, ayay ahayd markii qarax miino oo loogu dhajiyay gaarigiisa lagu dilay gudoomihii maxkamada gobolka Sool, Xasan Sheekh Maxamuud Cumar.

Ku dhawaad labo todobaad ka hor waxaa magaalada Laascaanood lagu dilay garsoore maxkamadeed oo lagu magacaabi jiray, Cabdulaahi Salaad, kaasoo la qaarajiyay isagoo hoygiisa sii galayay.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]