4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 3 , 2020
Shirka Golaha Wasiirrada oo looga hadlayo qodobo ay ka mid yihiin Arrimaha Doorashooyinka dalka

 

Talaado, November, 03, 2020 (HOL)- Shirkan oo uu Guddoominayo Ra'iisal Wasaare Maxamed Xusseen Rooble ayaa ayaa ka soconaya Hotel ku yaala gudaha Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde, waxaana diirrada lagu saaraya qodobo ay ka mid yihiin Arrimaha Doorashooinka dalka, Amniga, Kobcinta Dhaqaalaha, Daynta cafinta, horumarinta bulshada, Caddaaladda iyo qorshaha waxqabadka xukuumadda ee 100- a maalmood.

Kulanka Golaha Wasiiradda  ayaa waxaa sidoo kale ka soo dhax muuqday guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo khudbad ka jeediyay.

Shirkan oo loogu magac-daray Banbaxa Golaha Wasiirrada ayaa noqonaya kii ugu horreeyay ee noociisa oo ay iskugu yimadaan xubnaha Golaha Wasiirrada cusub ee uu hoggaaminayo Ra'iisal Wasaare Rooble oo ka dhaca meel aan aheyn xarunta madaxtooyada Soomaaliya.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]