4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Nov 29, 2020
Nabadoon caan ah oo Caawa lagu dilay magaalada Baledweyne
 

Axad, November, 29, 2020 (HOL) - Dableey hubeysan ayaa Caawa xaafadda Howlwadaag ee magaalada Baledweyne ku dishay Nabadoon Xasan Ibraahim Nuur oo loo yaqiinay (Xasan Tiyeegoow).

Allah u naxariiste dilka Nabadoonka ayaa waxaa fuliyay rag ku hubeysnaa Bistoolado kuwaas oo isaga baxsaday goobta ay ku dileen marxuumka.

Dilka kadib waxaa goobta gaaray ciidanka amniga Baledweyne waxayna halkaasi ka wadaan howlgalo baaritaana ah oo ay ku baadi goobayaan raggii dilka geystay.

Lama oga cida ka dambeysa dilka Nabadoon Xasan Tiyeegoow oo ka mid ahaa waxgaradka magaalada Baledweyne.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]