4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Nov 29, 2020
Dowladda Soomaaliya oo amartay in uu dalka ka baxo safiirka Kenya

 

Axad, November, 29, 2020 (HOL) -Xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda arrimaha dibadda dawladda Soomaaliya Maxamed Cali Nuur oo goor dhaw ka hadlay warbaahinta dawladda ayaa sheegay in Soomaaliya ay dib ugu yeeratay safiirkeeda Kenya danjire Maxamuud Axmed Nuur Tarsan, waxaana ay safiirka Kenya danjire Lucas Tumbo ku wargalisay in uu dalkiisa wadatashi ugu laabto.

Dawladda Soomaaliya  ayaa go'aankan qaadatay iyadoo ilaalinaysa madax banaanideeda Qaran, ka dib markii ay u muuqatay in Kenya si bareer ah ay u fara galinayso arrimaha gudaha Soomaaliya, gaar ahaan Jubbaland.

Dawladda  Soomaaliya waxaa ay Kenya u eedeysay inay madaxweynaha Jubbaland ku cadaadinayso in uu fuliyo ajandaheeda siyaasadeed, taas oo carqaladaynaysa heshiiskii siyaasadeed ee doorashada Soomaaliya, islamarkaana ka hor imaanaysa hab dhaqanka diblomaasiyadeed ee dawladaha dariska ah.

Ugu dambayn xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda arrimaha dibadda danjire Maxamed Cali Nuur ayaa xusay in dawladda Soomaaliya aysan marnaba aqbali doonin fal waliba oo qaranimadeeda iyo amnigeeda dhaawacaya.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]