4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Nov 29, 2020
Midowga musharixiinta oo kulan deg deg ah ka yeeshay xaalada dalka

 

Axad, November, 29, 2020 (HOL) -Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya kulan maanta Hotelka Jazeera ee magaalada Muqdisho ay ku yeesheen midowga musharixiinta Soomaaliya.

Kulanka oo ahaa mid gaar ah ayaa lagu waramayaa in ay uga wadahadleen arrimo la xiriira xaaladihii ugu danbeeyay ee dalka ku soo kordhaya, Amniga iyo waliba natiijooyinkii ka soo baxay kulamo kala duwan oo ay si toos ah iyo si dadban ula yeesheen qaar ka mid ah madaxweynayaasha dowlad gobolleedyada dalka.

Musharixiintan ayaa dhawaan soo saaray war-murtiyeed ka koobnaa 18 qodob oo ay uga hadleen sida ay dalka doorasho uga dhici karto, hasse ahaatee dowladda federaalka ayaan wax jabaan ah ka bixin fulinta dalabka musharixiintan oo sheegay in aysan dhax-dhaxaad ka noqon karin doorashada guddiyada hadda dhisan.

Shirka maanta mar kale dhaxmaray midowga musharixiinta madaxweynaha ayaa la sheegay in uu hor dhac u yahay dhaqdhaqaaqo siyaasadeed oo ay doonayaan in ay ka sameeyaan magaalada Muqdisho maalmaha soo socda ilaa wax ka badal lagu sameynayo hannaanka ay hadda dowladda federaalka u maamuleyso doorashada oo ay u arkaan mid hal dhinac ah.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]