4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Nov 29, 2020
Madaxweynaha Puntland oo rajo wacan ka muujiyay in doorashadu waqtigeeda ku dhicidoonto
 

Axad, November, 29, 2020 (HOL) - Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo maanta kulan la qaatay wafdi isugu jira Qaramada Midoobey, Midowga Europe, Midowga Africa iyo IGAD ayaa kalsooni ka muujiyay in ay Soomaaliya ka dhicidoonto doorasho wakhtigeeda dhacda.

Madaxweyne Deni ayaa wafdiga u yimid la wadaagay caqabadaha weli taagan iyo xalka ugu haboon ee lagaga gudbi karo, wuxuuna sheegay inay Puntland mar walba diyaar u tahay inay kaalinteeda ka cayaarto dhameystirka heshiiska doorashada.

“Waxaan rajeynayaa qodobadii aan ka wada hadalnay oo dhan inay ahaayeen qodobo dhaxal-gal noqon doona, oo wax ka tari doona deganaashaha dalka iyo horusocodka siyaasadeed ee Soomaaliya,” Ayuu yiri Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni.

Ku-xigeenka wakiilka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Raisedon Zenenga, ayaa dhankiisa sheegay imaatinkooda Garowe inuu qeyb ka yahay socdaal ay ku marayeen dowlad goboleedyada Soomaaliya, iyadoo ujeedadu tahay sidii kor loogu qaadi lahaa wada shaqaynta dowladda federalka Soomaaliya iyo dowladdaha xubinta ka ah.

"Waxaan sii wadeynaa in aan ku boorino dhamaan hogaamiyaasha Soomaaliya in ay ku sii adkaystaan sida ay uga go'an tahay iskaashi ay wada yeeshaan midba midka kale maadama ay ku jiraan u diyaar garowga doorashada," ayuu yiri Raisedon Zenenga.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]