4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 29, 2020
Wafuud ka socota beesha caalamka oo Garowe kula shirsan madaxweyne Deni
 

Axad, November, 29, 2020 (HOL) - Wafdi ka socda Qaramada Midoobey, Midowga Europe, Midowga Africa iyo IGAD, ayaa kulan gaar ah Garowe kula leh Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni.

Kulankan oo ah mid albaabada u laaban, ayaa Safiiradda beesha caalamka waxay madaxweynaha Puntland kala hadlayaan geeddi socodka doorashada iyo xaqiijinta qoondada dumarka ku leeyihiin kuraasta aqalka sare.

Puntland ayaa kamid ah dowlad goboleedyada aan weli gudbin sideedii xubnood ee guddiyada doorashooyinka heer dowlad goboleeed.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]