4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Nov 29, 2020
Yuusuf Dabageed "Hirshabeelle shalay intuu Cali Guudlaawe ku lahaa ayaa ana ku leeyahay"
 

Axad, November, 29, 2020 (HOL) - Madaxweyne ku xigeenka maamulka Hirshabeelle Yuusuf Axmed  Hagar Dabageed ayaa sheegay in Caasimadda Hirshabeelle ay tahay magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan isla mar ahaantana lagu qabanayo xaflada caleema saarka madaxweynaha Hirshabeelle.

Yuusuf Dabageed "anigu dadkeyga waxay Hirshabeelle ku leyihiin intii shalay Cali Guudlaawe ku lahayeen dadkiisa markuu Hirshabeelle ka ahaa madaxweyne ku xigeenka sideyda oo kale sida Caasimadda iyo wasiiro dhowr ah uu ka mid ahaa wasiirka arrimaha gudaha aniga ayaana balan qaadaya intii Cali Guudlaawe uu haystay markuu madaxweyne ku xigeenka ahaa inay helaan dadkeyga hadii intaas dadkeyga waayaan waan is casilayaa" ayuu yiri Yuusuf Dabageed.

Madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle ayaa sidoo kale sheegay inuu diyaar u yahay inuu la fariisto cid walba oo tabasho ka qabta maamulka Hirshabeelle.

Hadalka Yuusuf Dabageed ayaa imaanaya xili shalay Baledweyne aay ka dhaceen banaanbaxyo xoogan oo looga soo horjeeday Hirshabeelle.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]