4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Nov 29, 2020
Dawladda Itoobiya oo shaacisay inay si buuxda ula wareegeen ciidamadda dawladdu Magaalada Maqale
 

Axad, November, 29, 2020 (HOL) - Taliyaha guud ee ciidamada Itoobiya Janaraal Birhanu Julla ayaa Warbaahinta dawladda u cadeeyay inay si buuxda ula wareegeen gacan ku haynta caasimadda Tigray ee Maqale.

Janaraalku wuxuu intaa ku daray inay ciidamaddu hadda ku mashquulsan yihiin inay gacanta kusoo dhigaan madaxdii TPLF, isagoo sheegay in ciidanku ay madaxdaas soo qabqabanayaan iyagoo gacan ka helaya shacabka.

Taliyuhu wuxuu sidoo kale xusay in shacabka Tigray ay in badan ka codsadeen ciidanka in la dhaafiyo TPLF, si dib shacabku ugu helo adeegyadii ka go'naa sida Telefanka, Khadka Internetka iyo Korontada.

Ma jirto wali warar madax banaan oo sugaya warkan ay dawladdu shaacisay, walina ma jiraan muuqaalo ay dawladdu laga soo duubay Maqale oo caddaynaya inay dawladdu la wareegtay magaalada Maqale.

Maqale ayaa ahayd magaaladii ay ku xooganaayeen xoogagga TPLF, waxayna dadku is waydiinayaan haddii uu dhab noqdo warka dawladdu ee qabsashada magaaladan, halkay ku dambeeyeen madaxdii TPLF.

Abdilahi Jawhar
Hiiraan Online