4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Nov 29, 2020
Dowladda oo sheegtay in ay dishay xubno ka tirsanaa Ururka Al-shabaab

 

Axad, November, 29, 2020 (HOL) - Taliyaha guud ee ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed Gen Odawaa Yuusuf Raagge ayaa sheegay in ay sheegay in howlgal qorsheysan oo ay ciidamadu fuliyeen ku dileen 8 xubnood oo ka tirsanaa Ururka Al-shabaab.

Howlgalkan ayaa ka danbeeyay dagaal ciidamada dowladda iyo xoogagga Ururka Al-shabaab ku dhaxmaray deegaan hoostaga degmada Cadalle ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Taliyaha oo la hadlayay warbaahinta codka ciidamada ee dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in marka laga soo taggo xubnaha la dilay sidoo kale ciidamadu gacanta ku dhigeen dagaalamayaal kale oo ka tirsanaa isla Ururka Al-shabaab.

Ciidamada dowladda ayuu sheegay in markii hore ay ka war heleen deegaan ay isku uruursanayeen xoogagga Ururka Al-shabaab taasoo u suurtagalisay in ay ku qaadaan weerar qorsheysan.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhinaca Ururka Al-shabaab oo ka hadlaya sheegashada dowladda Soomaaliya ee la xiriira howlgalka laga fuliyay gobolka Shabeellaha dhexe.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]