4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 28, 2020
Guddoomiye Caawa lagu dilay degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan
 

Sabti, November, 28, 2020 (HOL) - Wararka caawa naga soo gaaraya degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in kooxo hubeysan aay caawa ku dileen gudaha degmada Jalalaqsi guddoomiyahii Ciyaaraha degmadaasi Maxamed Xuseen Maxamed.

Dableeyda dilka u geysatay allah u naxariiste marxuumka oo ku hubeysnaa Bistoolado ayaa goobta isaga baxsaday.

Laamaha amaanka degmada jalalaqsi ayaa dilka kadib gaaray goobta lagu dilay allah u naxariistee guddoomiyahii Ciyaaraha degmada Jalalaqsi kuwaas oo baaritaano ka sameynaya xaafada lagu dilay marxuumka.

Degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan ayaa maalmahii dambe wajaheysay xaalad amaan darro waxaana halkaasi ka dhacayay weeraro ay shabaab kuso qaadayeen gudaha degmada.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]