4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 28, 2020
General Abuukar Xuud'' Hirshabeelle Cadaalad darro ayeey ku dhisan tahay

 

Sabti, November, 28, 2020 (HOL)-  Generaal Abuukar Xaaji Warsame Xuud oo ah hoggaamiyaha Jabhada fadhiggoodu yahay deegaanka Ceelgaal ee dulleedka magaalada Beledweyne oo la hadlay BBC ayaa sheegay in ay diidan yihiin maamulka Hirshabeelle oo sida uu hadalka u dhigay ah maamul sharci darro lagu dhisay.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayuu sheegay in ay baalmartay heshiiskii markii horeba lagu soo dhisay maamulkan ee dhinaca awood qeysiga, taasoo keentay ayuu yiri in bulshada ku dhaqan gobolka Hiiraan iska diidaan natiijada doorashadii dhawaantay ka dhacday Jowhar.

''Hirshabeelle markii horeba sharci darro ayaa lagu dhisay, iyadoo ay sidaa tahay ayaa haddana la baalmaray heshiiskii markii horeba lagu aasaasay ee dhinaca awoodsiga ee ah in madaxweynuhu ka yimaado gobolka Hiiraan, waxaana mas'uul ka ah arintaa dowladda dhexe ee federaalka oo ujeedada ay ka leedahay oo kaliya tahay in ay halkaa ka hesho xildhibaanno marka danbe iyaga  dib u soo doorta'' ayuu yiri Generaal Xuud.

Mar wax laga weydiiyay in arintan ay kala hadleen cidda ay quseyso ayuu sheegay in marar badan ay isku dayeen in ay wada hadal ka galaan laakiin waxba ka socon waayeen''''Haa waan la hadalnay doorashada ka hor laakiin ninkan madaxweynaha sheeganaya wuxuu nagu yiri Anniga Nabad iyo Nolal ayaa i wadata'' ayuu hadalkiisa raaciyay, isaga oo dhinaca kale sheegay in uusan madaxweyne u aqoonsaneyn Cali Guudlaawe islamarkaana iman karin magaalada Beledweyne.

General Xuud ayaa sheegay in ujeedada jabhada aysan aheyn in dagaal wax lagu xaliyo, laakiin haddii leysku dayo ayuu yiri in la maquuniyo ku qasban yihiin in ay jawaab ka bixiyaan.

Hadalka Generaal Xuud ayaan imanaya xili maanta magaalada Beledweyne ka dhaceen dibadbaxyo meelaha qaar rasaas leysku adeegsaday oo dhagayeen dad ka soo horjeeda maamulka Hirshabeelle.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]