4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 28, 2020
Dowladda Turkiga oo ka hadashay qaraxii xalay ka dhacay magaalada Muqdisho

 

Sabti, November, 28, 2020 (HOL) - War ka soo baxay Wasaarradda Arrimaha Dibadda Turkiga ayaa lagu cambaareeyay weerarkii Ismiidaaminta ahaa ee xalay lagu qaaday maqaaxi ku taala magaalada Muqdisho oo lagu dilay 8 ruux oo dhalinyarro ah.

“Waxaan si adag u cambaareyneynaa weerarada lagu bartilmaameedsado dadka shacabka waxaana u tacsiyeyneynaa dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ee walaalaha. Waxaan u rajeynaynaa naxariista Alle kuwa naftooda ku waayey, waxaan tacsi u direynaa qoysaska iyo ehelada dhibanayaasha waxaanan u rajeynaynaa caafimaad deg-deg ah kuwa dhaawacmay”ayaa lagu yiri Warka ka soo baxay dowladda Turkiga.

Weerarkan oo uu fliyay qof isku soo xiray walxaha qarxa ayaa waxaa sidoo kale cambaareeyay Dowladda Soomaaliya, Xisbiyada mucaaradka iyo waliba qeybaha kala duwan ee bulshada.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]