4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 28, 2020
Midowga Yurub oo wax laga xumaado ku tilmaamay 6 qof oo Somaliland xukun qisaas ah ku fulisay
 

Sabti, November, 28, 2020 (HOL) - Midowga Yurub ayaa sheegay inay aad uga xumaadeen warka ku saabsan dil toogasho oo ah qisaas lagu fuliyay 6 maxbuus oo ku xirnaa xabsiga Mandheera, ee Somaliland, 26kii Nofeembar 2020.

Bayaan kooban oo kasoo baxay Midowga Yurub, ayaa lagu sheegay  in Midowga yurub uu mowqif adag ka taagan yahay ciqaabta dilka xaalad kasta ha noqotee.

“Ma jirto caddayn muujineysa in ciqaabta dilka ay u adeegsaneyso ka hortag dembi, kana waxtar badan tahay xabsi,” ayaa lagu yiri bayaanka Midowga Yurub.

kontonkii sano ee la soo dhaafay, in ka badan saddex-meelood laba meel oo ka mid ah dalalka adduunka, ayuu midowga Yurub sheegay inay baabi'iyeen sharciga iyo ku dhaqanka xukunka dilka.

Midowga Yurub wuxuu tilmaamay inuu sii wadi doono taageerida isbeddelka guud ee ku wajahan ciribtirka ciqaabta dilka.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]